Dawladda Talyaaniga ayaa meelmarisay sharci sahlaya in la tarxiilo dadka soo galootiga ah iyo in dhalashada Talyaaniga lagala laaban karo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Matteo Salvini ayaa arrintan ku tilmaamay “tallaabo horay loo qaaday, si Talyaaniga looga dhigo goob ka ammaansan sida uu hadda yahay”. Si uu sharcigani u dhaqan galo wuxuu u baahan yahay taageerada xildhibaannada.
Sharcigan cusub ayaa dhigaya in dadka magan galyo doonka ah aan codsiyo laga aqbali doonin haddii lagu eedeeyo in ay daroogo ku lug leeyihiin, sida uu sheegay Salvini.
Xukaamadda hadda talada Talyaaniga haysana waxay ka kooban tahay xisbiga League ee siyaasaddiisu garabka midig tahay iyo xisbiga Five Star Movement oo awoodda qabsaday Juunyo.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay inta badan is qabtaan dadka maraakiibta adeegsada ee muhaajiriinta badbaadiya, bishii horana waxay si cad uga soo horjeesatay in markab laga soo dajiyo 150 muhaajiriin ah oo jasiiradda Sicily ku soo xirtay.