Raysulwasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed cabsi darteed ay garsoor ugu doontaan Al Shabaab.
Wuxuu sheegay masuuliyadda muwaadinka Soomaaliyeed ka saaran dowladda inay tahay in ammaankiisa ay sugto, muwaadinka isagana laga doonayo inuu naftiisa masuul ka noqdo oo uusan u tagin marka ay Shabaab u yeeraan.
Raysulwasaare kuxigeenka oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay Al Shabaab in aysan ka shaqeyn cadaalad, balse shacabka ay u tagaan cabsi ay ka qabaan darteed, marka laga soo waco telefoonada ay wataan.
Baarlamaanka federaalka, mucaaradka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in arrintan ay masuuliyad ka saaran tahay keliya aanan xukuumadda lagu dhaliil karin, wuxuuna ku baaqay in hawshan si wadajir ah looga wada shaqeeyo.