Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa soo saartay xeer heer wasiir ah oo wax ka badalaya shuruucda gaadiidka, kaasoo ka kooban 24 qodob ayaa waxaa ku dhaqmi doona gaadiidleeyda inta laga soo saarayo sharciyadii uu hore u lahaa gaadiidka dalka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya,Cali Gacal Gaaboow ayaa sheegay in xeerkan uu leeyahay muhiimad gaar ah sidaas daraadeedna laga doonayo in hey’adaha ay dhaqan geliyaan si isbedel looga dareemo magalada muqdisho.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in shilalka iyo ciriiriga mararka qaar ka jira magaalada Muqdisho ay sababtay xeerka wadda marista oo qaldan, wuxuuna sheegay in aysan mar kale soo degi doonin gaadiid leh shukaan midig, kuwa haatan yaallana la marin doono guddiga Imtixaanaadka tababarna la siin doono.
Gabagabadii, wuxuu sheegay in la soo celin doono dhammaan shuruucdii gaadiidka iyo waddooyinka, isla markaana la hubin doono caafimaadka wadaha, da’da iyo bad qabka gaadiidka si ay u yaraadaan shilalka