Dowlada Federaalka Somaliya oo Mareykanka Ka Codsatay In Laga Qaado Xayirada Socdaalka

0
62

Wasiirka arrimaha dibadda dowlada federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in kulan uu magaalada New York kula qaatay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ee Afrikaa uu ka codsaday in Maraykanka uu qaado xayiraadda dhinaca socdaalka ee uu saaray Soomaalida Maraykanka tagaysa.

Cawad waxaa kalo u sheegay arrimaha uu kala hadlay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ee Afrika inay ka mid ahayd sidii Mareykanka uu u aqoonsan lahaa baasaboorka Soomaaliga, “Waxaan tilmaamnay baasababoorkayaga oo adduunka uu aqoonsanayo oo aan tusaale usoo qaadanay Norway inay aqoonsadaan, arrinta oo aan muddo ku daba-jirnay.” ayuu ku daray wasiirka Cawad.

Wasiirka arrimaha dibadda, waxaa kalo u sheegay Mareykanka inay ka codsadeen in la ballaariyo taageerrada uu siiyo Soomaaliya,taas oo u sheegay inan lugu koobin oo kaliya amniga.

Soomaaliya ayaa ka mid ah illaa lix dal oo u badan waddamo islaam ah oo madaxweynaha Marekanka uu xayiraad ka saaray dadkooda inay galaan Marekanka, isagoo tallaabada ku sheegay mid lugu adkeynayo amniga.