Waxa si diiran loogu soo dhaweeyey maanta garoonka Shaati Gaduud ee magalada baydhaba Sheekh Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur halkaasi oo ay ku sugayeen dad aad u fara badan.
Abu Mansuur Rooboow waxa uu sheegay inay dad badan oo Deegaanka K/Galbeed kasoo jeeda ay ka codsadeen in uu isku soo sharxo Madaxnimada Koonfur Galbeed.
Waxa uu si cad u sheegay in maanta laga bilaabo uu yahay mid u taagan Madaxtinimada Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Imaatinta kuiyo ku dhawaaqida musharxnimo ee Mukhtaar roobow ku dhawaaqay maanta ayaa aheyd mid ay sugayeen dadyowga ku dhaqan koonfur galbeed in mudo ah.