4 Qalad oo ku jira Go’aankii ay DF ku Diiday in Mukhtaar Roobow uu is-Sharaxo iyo 3 su’aal oo Jawaab u Baahan

0
69

Wuxuu ahaa Shabaab; wuxuu ahaa maxaakiim, weliba hoggaankooda. Maxaakiim iyo Shabaab dagaal iyo qaraxyo ayay geysteen, dood kama taagna, gabood falkaas wax badan buu asaga iyo in badan oo xukun heysa ku leeyihiin!

Bishii August 2017, Mukhtaar waxaa laga qaaday xayiraaddii saarneyd, waxaa weeraray kooxdiisa hore ee Shabaab. Asagoo weli tuulada Abal kula dagaalamaya Shabaab ayay dowladda wafdi sare oo wasiirka Gaashaandhiga Cabdirashiid C Maxamed iyo taliska Nabad Sugidda u dirtay. Wuxuu shir jaraa’id ku sheegay isla bishaas in uu heshiis la galayo dowladda, wasiirka warfaafinta Yariisow ayaa xaqiijiyay in wada hadal ay dowladda kula jirto. Kaddib wuxuu ahaa qof safra, taga gobolada, dibadda, xitaa booqday goobaha caafimaadka qaraxii Oct 14, idaacadahana ka hadlay weli SNTV. Wuxuu bil ka hor la kulmay guddoonka baarlamaanka, waxaa shalay asagoo si nabad ah kaga safray Muqdisho, tagay Baydhabo, ay idaacadaha iyo SNTV uu soo daayay musharaxnimadiisa!

Hadda isla SNTV ayaa warqaddaan soo saaray:

1- Warqadda saxiix ma leh, qof kuma socoto, marka laga reebo W Amniga KG oo sheegtay in Federaal aanan wax shaqo ah kala dhaxeyn shirkii Kismaayo kaddib. Ma Mukhtaar ayay wada shaqayntu ka billaabmaysaa?

2- Warqadda waxay ka soo baxday wasaarad Amni, oo qaabilsan fulin keliya, ee aan xitaa soo xiri karin muwaaddin ayagoo aan warqad maxkamad, xeer ilaalin wadan.

3- Intuu Mukhtaar Roobow Muqdisho joogay, ma ahayn maxbuus, dembi lagu ma soo oogin, maxkamad ma xukumin, laamaha dowladdana dacwad kama taallo!

4- Warqadda sida u qoran, wasaaradda waxay sheegtay in heshiisyo caalami ah oo ay dowladda gashay uusan ka soo bixin shuruurdahooda!

Sida ku qoran Dastuurka Dalka, kan Koonfur Galbeed, qofka buuxiya shuruudaha muwaaddinka laga rabo, oo aan lahayn dembi maxkamad xukuntay, wuu is sharxi karaa. Halkaas kuma qorna heshiis beel caalam

-Dalkaan ma dal madax bannaan baa oo Dastuur leh mise waa maxmiyad beel caalam hoos tagta?

-Warqadda kuma qorna in uu dembiile, dastuur ahaan tartankiisa reebban uu yahay, muxuu yahay mowqifka dowladda?

Waan caddeynayaa Mukhtaar ma taageersani, sidoo kale ma taageersani murashixiinta tartamaysa midna, waxaanse ka soo horjeedaa Shariif Xasan xukunkiisa.

1- Haddii ay dowladda go’aan ka gaartay “dembiilayaal” hore, sharci guud oo dowladeed haka soo saarto, oo dhammaantooda wada qabta, xitaa kuwa imaan doonna, laga bilaabo shaqaale illaa madax.

2- Haddii ay Mukhtaar diidan tahay, ha keensato murashax sifo sharci ah kaga adkaan kara. Murashaxiin culus baa jooga, laga yaabe inuusan codba helin.

3- Haddii ay dowladda u aqoonsan tahay dembiile, waxay ahayd in ay sharci mariyaan. Ma ahayn in August 2017 ay wasiiro Xudur ka soo galbiyaan, ay fasaxdo, waxay ahayd in ay sugto illaa uu iska soo dhiibo, ama la soo qabato, ma ahayn in ay maamuusto.

Dadka reer KG 2014 waxaa rabbitaankooda cabburiyay Xasan Sheekh Maxamuud, ma ogi in ay Mukhtaar rabaan, waa hal qof oo 11 kale la tartamaya, guddi doorasho ayaa shuruudaha sheegi doonna, ha sugaan, laakiin waan ka digayaa isku dayga la rabo in lagu cabburiyo, oo ay shacabkaas u juujuubaan Shariif Xasan.

Dowlad ahaan u shaqeeya, ama dadka ka hor leexda! Haddii kale Mukhtaar oo musharax caadi ah ayaad shacbiyad u samayn doontaan!

W/Q: Hassan Adam Hossow