Jaaliyada Koonfur Galbeed ee North America oo Cambaareeyey Dowlada Dhexe Isla Markana Baaq U Direy

0
78

Kulan ay isugu yimaadeen Jaaliyada koonfur galbeed ee ku nool qaarada North Ameerika ayaa waxaa ay si cad kaga horyimideen hadal dhawaan kasoo yeeray wasaarada aminiga ee xukuumada federaalka somaliya oo ay dalbanayeen in Sheekh Mukhtaar Roobow looga reebo tartan madaxweynenimo ee maamulka koonfur galbeed.

Jaaliyada ayaa waxaa ay sheegeen in xukuumada ay ku xadgudubtey qaabka federaalka wexeyna u sheegeen in dowladu ay tahay mid federaali ah isla markaana xukuumada aysan faragelin ku sameyn karin qaabka iyo ruuxa ay dooranayaan maamul goboleedyada.

Xaaji Mocow Maxamed oo ka mid aa odayaasha jaaliyada ayaa isna dhankiisa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in maalin walba shacabka koonfur galbeed wax loo soo min guuriyo isla markana si qasab ah sanka looga geliyo iney ku dhaqmaan, Xaaji Macow ayaa wuxuu afka ku dhuftey in 4sano ka hor odayaal maamul loo wada dhan yahay oo 6 gobol ah inta ay sameysteen sidan oo kale xukuumada intay fara gelin ku sameysay ka burburisay.

Gabagabadii kulanka ayaa dhamaan jaaliyada waxaa ay isku raaceen in cambaareyn dusha looga tuuro xukuumada dhexe isla markana loogu baaqo iney faraha kala baxdo masiirka maamul goboleedyada iyo shaqsiga ay dooranayaan, Wexeyna jaaliyadaha kale ee koonfur galbeed ee ku nool qaaradaha aduunka ugu baaqeen iney meel uga soo wada jeestaan sidii loo adkeyn lahaa midnimada iyo masiirka koonfur galbeed.