Mukhtaar Roobow oo Maanta Xaflad Balaaran oo uu Ku Sheegayo Inuu Musharax yahay Ku Qabtay Magalada Baydhabo.

0
51

Xaflad aad u balaaran oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala gedisan ee bulshada ku nool magalada baydhabo, Mushariixta u taagan xilka madaxweynenimo iyo weliba culumaaudiinka ayaa lagu qabtay magalada baydhabo.

Xafladan ayaa eheyn mid ay si fiican usoo agaasimeen taageerayaaha musharaxa xilka madaxweynenimo ee maamulka koonfur galbeed somaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur taasoo loogu tala galey in musharaxa uu ku sheego inuu yahay musharax u taagan xilka isla markaana kula hadlo shacabka.

Mukhtaar Rooboow ayaa khudbad uu munaasabadaas ka jeediyey waxa uu si aan ka leex leexad laheyn uga jawaabay diidmadii Dawlada inuu isa soo sharaxo ah wuxuuna si cad ugu sheegay in musuuliyadaas aysan laheyn xukuumada isla markana ay tahay masuuliyad ay leeyihiin shacabka koonfur galbeed.

Roobow ayaa qudbadiisa kusoo darey hadii la doorto in uu wax badan ka qaban doono amniga iyo cadaalad xumida ka jirta deegaanada koonfur galbeed isla markaana furi doono wadooyinkan u xiran maleeshiiyaad dadka baad kaga qaata.