Taliyaha hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya oo Xaley Kulan La Qaatay Mukhtaar Roobow

0
172

Taliyaha hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Xusseen Cismaan Xusseen oo shaley gelinkii dambe gaaray magalada baydhab ayaa habeenkii xalay kulan la qaatay musharax Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo ka mid ah siyaasiyiinta isku soo taagay qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Lama oga waxyaabaha ay ka wada hadleen taliyaha iyo Mukhtaar Rooboow, hasse ahaatee warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegay in lagu war-galiyay Mukhtaar in uu u hoggaasamo go’aanka Wasaarradda Amniga ee looga mamnuucay in uu ka mid noqdo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Maalintii shalay khudbad uu ka jeediyay Mukhtaar munaasabad lagu soo bandhiggayay qorshihiisa Mustaqbalka haddii uu xilkan ku guuleysto ayuu sheegay in mar walba uu tixgalinayo rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed.

Go’aanka dowladda ay ku joojisay musharaxnimadiisa waxaa siweyn uga soo horjeestay xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo dhinaca kale dalbaday in dowladdu dib uga laabato go’aanka ay ka gaartay musaharaxa.