Dhegeyso: Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland oo Sheegay in Dowlada Aaney Shirar Ku Qaban Karin Puntland

0
125

Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa faahfaahin ka bixiyay sababtii loo joojiyay kulan xalay Magaalada Garowe uu ku qabsan lahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in sababta ay tahay in maamulka Puntland ay xiriirka u jareen dowladda Dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo Go’aankii Madaxda Maamul goboleedyadda.

Cabdi Xirsi Cali