Layla Zana waxay ahayd xildhibaanad Baarlamaanka Turkiga sannadkii 1991 ka soo gashay gobolka Kurdiga. Waxay dhaartii ku gudatay afkeeda Kurdish, ayadoo filashadu ay ahayd Turkish. Dhaartaas iyo afkaas ayay dowladda Turkey ee Erdogan ka horeysay waxay ku xukuntay 10 sanno oo xariq ah oo dhamaysatay. Adduunka oo dhan buu gaaray xaalkeeda iyo dooddeeda!
Haddii wasiirkii waxbarashada loo casilay in uu jaamacadaha ayadoo ay dowladda ficil ahaan u aqoonsan tahay uu ma aqoonsanin yiri, maxaa lagu sameyn doonno wasiiru dowladda Maaliyadda oo af iyo dhaqan Soomaaliyeed oo qodob dastuuri ah uu fasaxayo in uu baarlamaanka ku dhex aflagaadeeyay?
Ka mas’uul ahaan, haddii uu fahmi waayay hadalka xildhibaanka, soo lama gudboonayn in uu Guddoonka ku celiyo, oo uu Guddoonka xalliyo. Sidoo kale soo ma aqaani, ma fahmin uma furneyn? Laakiin aflagaaddo iyo jees wax la qaadan karo ma aha!
Maxamuud Xayir Ibraahim oo ka jawaabaya su’aal uu xildhibaan Maxamed Fanax asagoo ku hadlaaya Maay ayaa yiri,
‘Fanax qolo kale ayuu la hadlaayey ayaan u maleynaa, aniga kolley waan ogahay, laakiin Maay iyo Maxaa…..waan ka xumahay adiga su’aashii baad iska qasaarisey, anigu fursad baad i siin-weydey aan kuugu jawaabo”.
Qodob dastuuri ah baa Fanax u fasaxaya inuu Maay su’aal ku weydiiyo, Xayir qodobkee u fasaxaya gefka?
Fanax ma aha Layla Zana oo afkeeda dastuurka diidayay, Fanax qodobka 5-aad ee dastuurka ayaa u fasaxaya! Laakiin dadka aan xil qaran u diyaarsanayn ee gobolada ka soo dallaca in sida Layla Zana Fanax loo xiro way jeclaan lahaayeen!
Qore Hassan Adam Hosow