Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Germany ayaa kala saxiixday labo heshiis oo xoojinaya iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si hore loogu sii qaado barnaamijyada waxtarka leh ee horumarinta qaranka.
Munaasabad kooban oo loo qabtay saxiixa heshiiska ayaa waxaa halkaasi ku sugnaa oo heshiiska kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Germany ee Soomaaliya Marwo Annett Günther.
Labadan heshiis ee ay kala saxiixdeen somaliya iyo germany ayaa kala ah Iskaashiga Maaliyadda oo ku baxaya qarash dhan 15 milyan oo Euro iyo Iskaashiga Farsamo oo sidoo kale isna ku baxaya € 9.7 milyan Euro.
Jarmalka ayaa ah isbahaysi istiraatiijiyadeed oo Soomaali ay leedahay, waxa kale oo uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ee taageera horumarinta iyo nabad ku soo dabaalidda dalka.