Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid Cabdullahi Maxamed oo ahaa shaqsigii bilaabay wada hadalka dhexmaray dowladda federaalka iyo Sheekh Muqtaar Roobow ayaa wuxuu sheegay qaabkii loo balamay in badan oo ka mid ah in dowladda dhankeeda uusan ka fulin.
Wuxuuna sheegay qodobada la isku afgartay ee dhanka dowladda uu ka fuli waayay inay ka mid aheyd in si wadajir ah looga shaqeeyo dadka iyo danaha umada somaliyeed, balse arrintaasi iyo kuwa kaleba ay dowladda ka baxday.
Wuxuu sheegay intii uu wasiirka ka ahaa wasaaradda gaashaandhigga in lagu balamay Shabaab intooda ku haboon in wada hadal lala galo, inta kalena dagaal toos ah lagu qaado, balse dowladda ayuu tilmaamay inay arrimahaasi meel iska dhigtay oo ay ku mashquushay siyaasadda maamul goboleedyada iyo doorashooyinka 2020-ka.
C/rashiid C/laahi ayaa tilmaamay ololaha doorashada Roobow inay soo bilaabatay mar hore dowladda hadii ay dooneysay inay wax saxdana goor hore laga rabay inay soo saarto warqada ay ku hor istaagtay, wuxuuna sheegay in dano siyaasadeed laga leeyahay is hor istaaga lagu sameeyay Roobow.