War-Murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirka Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer maamulada goboleed kaasoo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.
Madasha ayaa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda ugu baaqday in ay si deg deg ah u dhameeyaan Khilaafka ka dhex taagan si loo soo Afjaro dib u eegista dastuurka.