Reysulwasaaraha Xukumada Federraalka oo Kulan La Qaatay Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.

0
58

Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khaye oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sucuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.

Khayre iyo Mohammed bin Salman ayaa la sheegay inay ka wada-hadleen danaha labada qaran, kulanka oo ka dhacay qasriga Boqortooyada ee laga maamullo dalka Sacuudiga.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman bin Abdulaziz ayaa dhankiisa boggaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maamul wanaagga, Siyaasadda, dhaqaaalaha iyo amniga, waxa uuna ballan qaaday in Sucuudigu ay sii wadayaan taageerrida dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed,sida uu xafiisku xaqiijiyay.

Arbacadii wuxuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.