Laba iyo toban askari oo loo soo xiray amar diido ayaa ka soo baxay aagga Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay ku qornaayeen, waxaana sagaal kamid ah ay wada ahaayeen isku difaac halka Saddexda kale ay iyana ka soo baxeen gooba kale oo ka tirsan aagagga dagaalka ee gobolka Shabeelaha Hoose.
23-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dalbadeen in la muddeeyo dacwad qaadista eeda loo heysto 12-kan askari ee ah amar diidada iyo ka bixid aagga dagaal ee Dhanaane, waxaana maalin kadib codsiga Xeer Ilaalinta loo ballamay in la qaado Maxkamadeynta 12-kan Askari.
Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa ka hor sheegay garsoorka in la siiyo fursad kale oo ay dib ugu noqdaan goobihii ay ka soo baxeen maadaama markii hore iyaga ay ahaayeen kuwa qeybta ka ahaa xureynta goobaha ay ka soo baxeen.
Garsoorayaasha oo ka baaraan degayay nuxurka dacwadda, doodda dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenada, ka falciladda jawaabaha ay ka bixiyeen eedeysanayaasha fadhiga maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in dhammaantood si wada jir ah loogu xukumo min Shansano oo xabsi Ciidan ah.