Somaliya oo Ku Guuleysatay Iney Ka Mid Noqoto Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay

0
47

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka mid noqtay Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey sida ay warbaahinta u faah faahisay safiirka Soomaaliya u joogta xarunta Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Aadanaha ee magaalada Geneva Faadumo Cabdullaahi Insaaniya.

18 waddan ayaa laga soo xushay qaaradda Afrika, Aasiya, Yurub, Latin America iyo galbeedka Yurub.

Doorasho ka dhacday xarunta Qaramada Midoobey ee New York Soomaaliya waxaa heshay codad gaaraya 170 cod guud ahaan marka la eego 193 codeeyayaal.

Danjire Fadumo ayaa sharaxday muhiimada ay Soomaaliya u leedahay xubinnimada waxayna sheegtay in somaliya weligeed aysan ka mid noqon Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Miidoobey taasi oo ay ku tilmaantay iney tahay guul usoo hooyatey umada somaliyeed.

Soomaaliya ayaa ka dhax tartantay dalal kale oo Afrikaan ah si ay u hesho kursi, Burkina Faso, Cameroon, Eritrea iyo Togo, waxaana Soomaaliya lagu doortay cod aqlabiyad leh oo ah 170 cod oo ka qeyb ah 193 codeeyeyaal.