Agaasimaha nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa iska casilay xilkii nabad sugidda uu ka hayay.
Agaasime Xuseen Cismaan ayaa warqadiisa is casilaada wuxuu u gudbiyay madaxweynaha jamhuuiyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Warar soo baxaya oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Xuseen uu isku soo sharaxayo xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Xuseen Cusmaan ayaa in mudo ahba waxaa uu si hoose u waday abaabuk ah siduu uga qeyb qaadan lahaa musharaxnimada maamulka koonfu galbeed balse xiligaas ma uusan ka heysan wax taageero ah dhinaca dowlada.
Warar hoose oo aynu ka helnay magalada muqdisho ayaa sheegaya in tan iyo kolkii ay xukuumada u suura geli weydey in Mukhtaar Roobow ay ka joojiyaan musharxnimada ay Xuseen Cusmaan xukuumada siisay taageero buuxda si loo kala jebiyo codadka xildhibanada koonfur galbeed taasoo ah ayaan darop hor leh oo u soo hooyatey shacabka koonfur galbeed.