Waxaa faah faahin dheeri ah laga helayaa qaraxyadii shalay gelinkii dambe lagu weeraray laba maqaaxi oo ku taalla bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Qaraxyadan oo ay fuliyeen laba nin oo ka tirsanaa ururka Al Shabaab, islamarkaana isku soo xiray suumanka qarxa ayaa beegsaday laba maqaaxi oo ay si aad ah u soo camireen dad shacab ah oo halkaasi ku shaaxeynayay.
Khasaaraha dhimashada ka dhalatay ayaa waxa ay gaartay 20 ruux halka ay dhaawacmeen 30 kale, kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab aan waxba galabsan sida ay inoo sheegeen masuuliyiinta Koonfur Galbeed.
Shabaab oo sheegtay masuuliyada qaraxyadii ka dhacay Baydhabo, waxey ku faaneen iney beegsadeen saldhig ciidan iyo hoteel uu leeyahay masuul horey uga tirsanaa dowladda Soomaaliya.