Dhamaan jaaliyada koonfur galbeed ee ku nool qaaradaha aduunka waxaa la ogeysiinayaa iney wixii karaankooda ah oo caawinaad ah oo ay gaarsiin karaa dadka waxyeelada kasoo gaartay qaraxii dhawaan ka dhacay magalada baydha ay la gaaraan.
Waxaa jira dad badan oo ku tiirsanaan jiray dadka waxyeelada soo gaartay maantana aan awoodin iney dabiibaan dadkooda isbitalka magalada baydhaba ku jira.
Marka waxaan idiin leenahay reer koonfur galbeed haleys xilqaamo mar walbana waxaa haboon in marka uu walaalkaa kuu bahan yahay garabkiisa istaagto marka ay dhacdo masiibo noocan oo kalana waxaa haboon in wixii dhexdeena yaalo la iska hilmaamo isla markana la garab istaago dadka ayagoon wax galabsan masiibada ku dhacday.
Reer North America wey bilaabeen howshaas waxaanse filaayaa in wadamada Carabaha, Yurub, Africa iyo Australia ay ayaguna sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan tabarucaadaas,