Alshabab oo Xaley Weerar Ku Qaaday Bar Kontrol oo Ku Taala Degmada Jowhar

0
66

Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay saq dhexe waxa ay weerar kedis ah ku qaadeen bar Kontarool oo ku taalla dhinaca Koonfureed ee magaalada Jowhar, sida ay inoo sheegeen ilo xog ogaal ah.

Qaar ka tirsan dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay inta uu iska hor imaadka socday inay maqlayeen rasaas xoogan oo ciidamada Kontoroolka joogay iyo Shabaabka weerarka soo qaaday ay isweedaarsadeen.

Khasaaraha horudhaca ah ee ka dhashay dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu yahay dhimasho hal askari ah oo ku sugnaa goobta ay soo weerareen alshabab iyo dhaawac soo gaaray mid kaloo halkaasi ku sugnaa.

Ciidamada dowladda ayaa baaritaan iyo dabagal ka wada Kontoroolka ay Shabaab soo weerareen, Sida ay sheegeena waxaa ay ku raad joogaan xubnaha weerarka soo qaaday.