Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay handadaad iyo rasaas ay kala kulmeen Ciidamada dowladda Soomaaliya ee maanta xiray inta badan wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada kala ah C/ Fitaax Ismaaciil Daahir, C/Qaadir Maxamuud Cismaan, Mahad Maxamad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka u gudbiyay dacwad ka dhan ah Ciidamada Ammaanka.
Waxa ay sheegeen in loo geystay Handadaad loona diiday in ay maraan Wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Guddiga amniga iyo difaaca ee Golaha shacabka ayaa amray in ay baaritaan ku sameeyaan Xildhibaannada maanta la kulmay handadaadda iyo Rasaasta ee dacwadda u gudbiyay Golaha shacabka.