Wadada Maka Al Mukarama oo Maanta u Xeran Sababo La Xiriira Amniga

0
136

Ciidamada Amniga ayaa saaka joojiyey isticmaalka Wadada Maka Al Mukarama Ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo diiday inay gaadiidka halkaasi isticmaalaan.

Wadada ayaa waxa xirnaashiyaheeda aad u dhibsada Shacabka oo qaarkood Bukaan Socod Cusbitaalo u socda ku jiraan, Arday Goobo fog fog Waxbarasho u aada, ganacsato iyo Dad Shaqo u aada Meelo kala duwan.

Dawlada Soomaaliya ayaa Cadeystay in wadoyinka xeraan xilayada ay wadanka imanayaan wefdiyo amaba ay dalka ka dhoofayaan maddaxda dalka taasoo dhibaato weyn ay ku qabaan shacabka.

Sababta ugu weyn ee maanta loo xiray Wadada wada dheer ee Maka Al Mukarama ayaa la sheegay iney eheyd in wasiirka wasarada arimaha dibada uu airporka Aadan Cade ee magalada muqdisho kusoo dhaweynayay wasiirada arimaha dibada Eritrea iyo Itobiya.