Wasiirka Wasaarada Maaliyada oo Maanta La Kulmay Wasiir Ka Tirsan Dowlada Ingiriiska

0
75

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Magaalada London ee Dalka Ingiriiska kula kulmay madax ka tirsan Dowladda Britain.

Wasiir Beyle ayaa sheegay inuu halkaasi kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska Jeremy Hunt iyo Madax kale oo ka tirsan UK, iyagoo ka wada hadlay horumarinta hannaanka Maaliyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa halkaasi kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska, wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen caawinta iyo horumarinta Dalka Soomaaliya.