Madaxweynihii Hore Xasan Sheekh Maxamuud Ma Wuxuu Isku Bedelay Afhayeenka Beelaha Hawiye

0
142

Madaxweynihii hore ee dowlada federaalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beryahan dambe waxaad moodaa inuu la wareegay xilkii uu ka geeryooday afhayeenkii hore ee Beelaha Hawiye Axmed Diiriye.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii shaley isagoo la hadlaayo warbaahinta waxaa uu soo hadal qaaday in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uusan xiligan ka qeyb qaadan karin doorashooyinka ka dhacaya deegaanada maamulka koonfur galbeed hadalkiisa waakan ee nala dhegeysta.

Xasan Sheekh.

Arinta uu ka dhawaajiyey Xasan Sheekh Maxamuud ayaan eheyn mid ku cusub iney ka hadlaan siyaasiyiinta kasoo jeeda beelaha hawiye oo aad moodo inuu culeys badan uu ku hayo Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow, Sidoo kale waxaa horey been abuurkan oo kale u sheegay Cabdirahman Cabdi Shakuur isna yiri ma jirto meel uu Mukhtaar Roobow ku sheegay inuu ka tanaasulay mowqifkii xagjirka ahaa ee Alshab, Bal nala dhegeysta Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka hadlaaya ka bixitaanka Alshab iyo weliba xiliga uu ka baxay.

Mukhtaar Roobow Cali.

Xasan sheekh iyo weliba qaar ka tirsan siyaasiyiinta kale ee kasoo jeeda beelaha Hawiye ayaa marka ay ka hadlayaan taariikhaha mugdiga ah ee lasoo maray ayaa inta badan afkooda ka dhowra iney ku daraan dadka ayaga la ehelka ah iyo weliba kuwa ay siyaasada wadaagaan, Inta badan waxaa ay diirada saaraan iney farta ku godaan dadka kasoo jeeda koonfur galbeed oo ku lug lahaa taariikhdaas madow.

Hadaba maadaama Somaliya ay soo martay marxalado kala duwan dadka siyaasada hormuudka u ahna ay soo wada mareen, Maxaa tan Mukhtaar Roobow ka dhigay mid aan dhamaan mida ayaga soo mareena ka dhigtey mid djhamaatay oo laga soo gudbay, Aan wax yar dib u jaleecno taariikhdii madoobeyd ee ay soo mareen shacabka somaliyeed iyo dadkii hormuudka ka ahaa ama ha ahaadeen kuwo shacabka somaliyeed ku laayey magac diimeed ama magac qabiil oo ilaa hadana ku leynaya shacab aan waxba galabsan.

Aan soo qaadano dhowr shaqi oo uu ugu horeeyo Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif oo ka mid aha Aasaasayaashii Maxakamiinta islaamka iyo weliba Xisbul Islaam, Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubaland Axmed Madoobe oo isna ka mid ahaa Aasaasayaashii Maxakimiinta isla markaana ka mid noqday Xisbul Islaam markii dambana ku biiray Ururka Alshabab walow uu markii dambena ka baxay, Taliyaha Waaxda Socdaal Somaliya Maxamed Aadan Koofi oo isna ahaan jirey afhayeenka alshabab, Taliyaha Sirdoonka Somaliya Zakariya Ismaciil Xersi oo horey u ahaan jirey madaxa amniyaad Alshabab, Muuse Suudi oo maanta isna inta garabaati loo xirey dhex fadhiya xarunta aqallka sare isagoo ah Sanator, Cabdi Qeybdiid oo isna aan wada ogeyn inta dhib uu magaca qabiil ugu geystay shacab somaliyeed oo isna maanta fadhiya aqalka sare isla markana ah Sanator, Xisbiga uu hogamiyaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo inta badan shaqsiyaadka ka tirsan xisbigaas ay ka mid ahaan jireen xisbul islaam.

Suaasha u baahan in la is weydiiyo waxaa ay tahay maxaa u diiday siyaasiyiinta beelaha hawiye iney ka hadlaan shaqsiyaadka noocaas ah ee dalka iyo dadkaba horey dembi uga galay oo ay rabaan iney ka hadlaan musharxnimada Mukhtaar Roobow keliya, Runtii waa ayaandaro in dadka qaar aan waxba laga soo qaadin dembiyada ay ka galaan shacabka dadka qaarna laga dhigo dad aan dembigooda weligiisba dhamaaneyn.

Dhinaca kale Waxaa jira suaalo badan oo ay isla dhex marayaan shacabka kasoo jeeda deeganada koonfur galbeed oo ah maadaama ay isa soo sharaxeen musharixiin aad u badan oo tiro ahaan kor u dhaafaya 10 musharax sabata ay siyaasiyinta beelaha hawiye dhamaantood uga soo wada hor jeesteen musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abuu mansuur?

Anigoo ka jawaabaya suaaslahaas la is weydiiyey ayaan waxaan u arkaa naceybka Mukhtaar Roobow inuu sal u yahay qodoban hoose ku qoran iyo weliba qudbadii uu dhawaan ka jeediyey magalada baydhaba oo uu kaga hadlaayey waxa uu qaban doono hadii ilaahey u sahlo xilka uu isku soo sharaxay.

1- siyaasiyiinta beelaha hawiye ayaa carqalad u arka in Mukhtaar Roobow uu noqdo madaxweynaha koonfur galbeed ayagoo baqdin ka qaba kusii nagaanshaha gobolka shabeleha hoose oo waqtigan xaadirka ah ay gacanta ugu jirto mooriyaan iyo maleeshiyo beeleedyo ku labisan dareyska dowlada oo dhamaantood kasoo jeeda beelaha hawiye.

2- Dhamaan gobolka shabelaha hoose waxaa yaala isbaarooyin kor u dhaafay 10 isbaaro taasoo ay ku sugan yihiin maleeshiyo beeleedyo kasoo jeeda belaha hawiye halkaasi oo shacabka kaga gurtaan lacago baad ah xukuumadihii kala duwanana ay wax ka qaban waayeen.

3- Waxaa kaloo ayadana jirta fikir ah in mustaqbalka dhamaan gobolka shabelaha hoose laga soo gooyo maamulka koonfiur galbeed isla markaana uu ka mid noqdo maamulka la rabo in loo yagleelo gobolka banaadir.

Dulmiga garabka heysta ee laggu duleystay shacabka koonfur galbeed iyo deegaanadooda ayaa inta bada waxaa hormuud ka ah dad u dhashay deegaan oo danahooda gaar ah si ay u gaaraan mar walba iib geeya deegaanada koonfur galbeed isla markaana meel uga dhaca sharafta iyo dadnimada shacabka koonfur galbeed.

Sidaa daraadeed waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka koonfur galbeed in ay meel uga soo wada jeestaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo inta ku fikirka ah ee caadeystay boobka shacabka iyo deegnada koonfur galbeed.

Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa in sidaasi si la mid ah ay ayagana meel looga soo wada jeesto isla markaana runta u sheego kuwa sheegta iney matalaan shacabka koonfur galbeed isla markana dalaalka u ah kooxaha boobka iyo isbaarada dowladnimda moodey.

 

Qore: Xasan Mad Eadan