Maxkamada Ciidanka Qalabka-sida oo Maanta Xukun Dil Ah Ku Riday Eedeysan Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan

0
63

Maxkamada derajada koowaad ee xciidanka xooga dalka ayaa xukuno kala gedisan ku riday eedeysanayaal kala ah Xasan Geedi Cabdulle, Maslax Maxamuud Cali iyo Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Edeysayaasha kala ah Xasan Geedi Cabdulle, Maslax Maxamuud Cali ayaa la sheegay iney rasaas ku fureen gaari nooca noohada ah oo ka shaqeynayey deegaano hoos taga degmada afgooye rasaastaas oo geysatay dhimasho iyo dhaac, Halka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu Beledweyn ku dilay Marxuum Xasan Abshir Warsame todobada bishii labaad ee sanadkan.

Maxkamada derajada koowaad ee ciidanka xooga dalka ayaa Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ayaa bishii novembar 11-2017 horey ugu xukuntay iney bixiyaan magta Laba boqol oo halaad iyo Qarashkii ku baxay dhibanayaal dhaawac uu ka soo gaaray rasaasta ay fureen,

Maxkamada ayaa maanta u fariisatay dacwada loo heystay eedeysanihii seddexaad oo ahaa Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo loo heystay inuu si gardaro ah ugu dilay magalada beledweyne marxuun Xasan Abshir Warsame.

Dood dheer oo dhex martay qareenada labada dhinac ka dib ayaa Maxkamada ciidamada qalabka sida waxaa ay xukun dil toogasho ah ku xukuntay eedeysane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo loo heystay dilkii uu u geystay Marxuum Xasan Abshir Warsame.