Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee maamulka Galmudug Axmed Maxamed Xasan (Axmed Baasto) ayaa lagu doortay magaalada Cadaado ka dib markii xildhibaanada ku sugan Cadaado ay sameeyeen doorasho Madaxweyne oo u shir gudoominaayay gudoomiye xilka laga qaaday Casir.
Doorashadda Maanta ka dhacday Cadaado ayaa waxaa ku tartamaayay labadda Musharax ee kala ah.
1. Axmed Maxamuud Xasan Baasto ayaa helay 52 Cod
2. Cabdixakiin Cali Guure ayaa helay 8 Cod.
Garabka Xildhibaanada ku sugan Magaalada Cadaado ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday Abaabul Siyaasadeed oo ay kaga soo horjeeddaan Madaxweynaha Galmudug.