Kulanka afaraad ee golaha iskaashiga maamul gobolleedyada Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ee maanta ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Qodobbada inta uu shirka socdo looga hadli doono waxaa kamid ah xaaladda siyaadaeed ee dalka, khilaafka u dhexeeya dowladda iyo madaxda maamul gobolleedyada, Amniga iyo qodobbo kale.
Shirkan ayaa waxaa ka qayb-galaya Madaxweyneyaasha maamul goboleedayada Puntland , Galmudug , Koonfur-galbeed iyo Galmudug waxaa kaloo shirkan ka maqan Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeele oo aad moodo inuu ka goostay kooxdan
Marka uu shirkan soo idlaado ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobbo dhowr ah oo ku wajahan xukuumadda iyo beesha caalamka.