Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Xumuumada Federaalka Soomaaliya isla markana ah Musharaxa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Baydhaba.
Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa garoonka magalada Baydhaba kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ku howlan ololahiisa Musharaxnimada, iyadoo dadweyne kala duwan ay ku sugayeen Banaanka Garoonka Shaati Gaduud.
C/casiis Lafta Gareen ayaa ka mid noqonaya dhowr iyo toboban musharax ee isku soo taagay xilka madaxweynenimo ee maamulka kooonfur galbeed somaliya, Walow uusan weli iska casilin xalka uu u hayo dowlada dhexe iyo weliba xildhibaan-nimada.
Mushaxan ayaa looga fadhiyaa inuu maalmahan soo socda inuu warbaahinta ka sheego musharaxnimadiisa isla markana uu iska casilo dhamaan xilalka uu ka dhayo dowlada dhexe.