Wasiir Ka Tirsan Maamulka Shariif Xasan oo Dowlada Dhexe Ku Eedeyey In Hub iyo Ciidan Ay Shaley Geysay Baydhaba

0
71

Wasiirka Dastuurka maamulka Shariif Xasan isla markana ah Afhayeenka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in maalintii shaley ay hub iyo ciidan geysay Magaalada Baydhabo.

Waxaa uu sheegay diyaarad siday Ciidan in ay gaartay Magaalada Baydhabo, islamarkaana lagu doonaayo in lagu carqaladeeyo doorashadda Koonfur Galbeed ka dhici doonta Bisha soo socota.

Dowladda dhexe ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaadato gurmadka loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo Todobaadkii hore.

Si kastaba arintu ha ahaatee maamulka shariif ayaad moodaa in uu cadaadis badan ka heysto doorashada l;a filaayo iney dhacday 17 bisha November cadaadiskaas oo ka heysta dhinaca dowlada iyo weliba shacabka koonfur galbeed oo ayagana nacay ooi qaati ka taagan.