Gudiga Doorashooyinka Maamulka Koonfur Galbeed oo Kulankoodii ugu Horeeyey Isku Khilaafay

0
48

Gudiga dooorashooyinka maamulka koonfur galbeed ee uu dhawaan magacaabeen gudoonka baarlamaanka maamulka koonfur galbeed ayaa kulankoodii ugu horeeyey yeeshay maalintii shalayoo taariikhdu eheyd 22/10/2018, Kulankaasi ayaa waxaa soo xaadiray 26 ka mid gudigaasi waxaana kulanka ka maqnaa oo aan kasoo qeyb gelin Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed Xabiib.

Kulankaasi ayaa muhiimadiisa eheyd sidii gudiga uu u yeelan lahaa gudoomiye, Dood dheer ay isla dhex mareen gudigaas ayaa waxaa dhacday in ay ku heshiin waayeen shaqsigii ay u dooran lahaayeen in uu gudoomiye u noqdo ayagoo markii dambe u kala jabay laba qeybood oo min 13 xubnood ah.

Dood dheer ka dib kolkii ay ku hishiin waayeen gudigaas shaqsigii gudoomiye u noqon lahaa ayaa waxaa ay u yeereen gudoomiyaha baarlamanka maalmulka koonfur galbeed si uu fara gelin ugu sameeyo arinkaasi.

Cabdulkhadir sheekh unaa kolkii loosoo gudbiyey arinka ayaa jawaabta uu ka bixiyey waxaa ay noqotay in qofka noqonaya gudomiyaha gudigaan looga bahan yahay inuu ahaado qof aqoon leh isla markaana la socda waaqica rasmiga ah ee jira wuxuuna ka codsaday shaqsiyaadka daneynaya iney xilkaasi waqtiga gaaban ah qabaan iney soo gudbiyaan Cv gooda si loogu kala saaro.