Reysulwasaare Kheyre oo Magacaabay Gudi Ka Kooban 4 Xubnood oo Aqalka Sare Kala Shaqeeya Khilaafka Maamul Goboleedyada iyo Xukumada

0
50

Reysulwasaraha xukuumada federaalka somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magacaabay gudi wasiiro ah oo ka kooban 4 wasiir oo ayaga kala shaqeyn doona golaha aqalka sare xalinta khilaafaadka xukumada iyo maamul goboleedyada.

Magacaabistan ayaa kusoo beegmeysa xili maanta ku egtahay muddadii guddoonka Aqalka sare uu u qabtay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha in ay kaga jawaabaan khilaafka taagan iyo sidii loo xalin lahaa, waxaana guddiga guddoomiye u ah Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye.

Sidoo kale waxaa guddigan xubno ka ah Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dastuurka Cabdiraxman Xoosh Jabriil, Wasiirka Wasaarrada Maaaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirka Wasaarradda Amniga Maxamed Abuur Isloow Ducaale.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa maraya heerkii ugu sareysay kadib markii maamul goboleedyada laga kari waayey inay si buuxda ula shaqeeyaan xukumada.