Ciidamada Nabad-sugida Qaranka ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay magalada Muqdisho ay ku qabteen xubin Al-Shabaab ah oo khabiir ku ah dhanka Qaraxyada.
Qoraal lagu baahiyay barta Twitter-ka NISA howlgalkan ayaa dhacay 23-kii bishan October oo shalay ku beegneyd.
Ma jirin wax faah faahin kale ah oo laga bixiyay howlgalkan oo lagu tilmaamay inuu qeyb ka ahaa dadaalada lagu sugayo amniga, loogana hortagayo maleegayaasha qaraxyada.
Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale barta Twitter-ka NISA la soo dhiggo qoraal ka hadlaya xubno ka tirsan Al-shabaab oo gacanta lagu dhigay, hasse ahaatee Al-shabaab wali kama aysan hadlin sheegashada NISA.