Wasiirka amniga maamulka goboleedka Jubbaland C/rashiid Xasan Janan ayaa isaga oo warbaahinta la halaya sheegay in aysan aqbaleyn in faragelin lagu sameeyo doorashooyinka ka dhici doona Jubbaland marka la gaaro xiligeeda.
Wuxuu tusaale u soo qaatay diyaar garowga doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ee hada ka socota magaalada Baydhabo, taasi oo uu tilmaamay in faragelin toos ah lagu hayo, islamarkaana la taageerayo musharax gaar ah.