Taliyaha Qeybta 60naad ee Ciidanka Xooga Dalka oo Amar Ku Siiyey Ciidamada Ineysan Faraha La Gelin Doorashooyinka Ka Dhici Doona Baydhabo

0
98

General Ibraahim Yarow Isaaq oo ah taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa saraakiisha iyo ciidamada ku amray in aysan qeyb ka noqon arrimaha doorashada, sidaasi darteed-na qof walba looga baahan yahay in uu guto waajibka uu leeyahay.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada marnaba wax shaqo ah ku laheyn doorashada iyo arrimaha kale ee la xiriira siyaasadda, balse shaqadooda ay tahay sugidda ammaanka.

“Saraakiisha, saraakiil xigeenka, iyo ciidamada waxaan amrayaa in aysan tagi karin doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, annaga shaqadeena waxay tahay ammaanka, askargii lagu arka isaga oo ku milmay doorashada talaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa”. ayuu yiri General Ibraahim.

Hadanka Generaal Ibraahin Yarow ayaa kusoo beegmaya xili magalada baydhabo ay foolaneyso musharixiin badana ay loolamo kala duwan ay ku jiraan taasoo keeni karta in isku dhac sal u ah siyaasada ay timaado.