Xog dhawaan ay warbaahinta daafeet Media ka heshay magalada muqdisho ayaa sheegaysa in xukuumada federaalka ay damacsan tahay in ay soo xirto hogaamiyaha maamul goboleedka koonfur galeed Shariif Xasan Sheekh Aadan kaasoo ay rabto iney ku eedeyso inuu sameeyey qiyaano qaran.
Xogtaasi ayaa waxaa kaloo ay sheegeysaa in xukuumada ay damacsan tahay in Shariif Xasan ay soo xerto kolkla ay doorashada ka harsan tahay 4 maalmood arintaasi ayaa la sheegayaa iney hoosta ka riixayaan madaxweyne Farmaajo iyo reysulwasaare Kheyre.
Dowlada federaalka ayaa waxaa ay rabtaa in ay ka faaiideysato kala daadsanaata ay kala dadsan yihiin odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyinta koonfur galbeed oo mar walba u heegan ah xukuumada marka ay rabo iney dhibaateyso shaqsiga ay ayaga is fahmi waayaan, Sidan oo kale waxaa ay xukuumada sharafta uga qaaday dhawaan gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari dadkii hormuudka ka ahaa dhibtaasina waxaa ay ahaayeen siyaasiyiin iyo odayaal u dhashay koonfur galbeed, Sidaasi si la mid ah dadka maleegaya shirqoolkan waxa ugu horeeya waa dad deegaanka u dhashay.
Si kastaba arintu ha ahaatee Xukuumada ayaa reer koonfur galbeed waxaa ay u aragtaa dad aan damiir iyo qadiyad toona laheyn isla markana laga sameysan karo wixii la doono, Waxaa nasiib daro ah xukumad ku shaqeyneysa danaha dowlada carabta iyo kuwa deriska iney maanta rabto iney shaqsi ku eedeyso inuu qiyaano qaran waxaa kaloo wax lala yaabo ah kuwii bada ka iibsadey kenya oo weli siyaasada ku jira xisbiyana sameystay inay maanta rabaan in shaqsi ay ku eedeyso inuu qiyaano qaran sameeyey.
walaahi waa runtaa deefeet hadii aan nahay digil iyo mirifle waxaan nahay dad aan laheyn qadiyad runtii waxaan leenahay odiyaal caado qaato ah Ku xayo aniga geekii mariidii asalkeyga waa hawiye ama daarood runta waa taas wax dib noo dhigey waa intaas
Comments are closed.