Kulan ay isugu yimaadeen qurbo jogta degmada walaweyn ayaa looga hadlay dagaalada ka jira degmada wexeyna sheegeen iney ad uga xun yihiin in xiligan degmada dagaal ka dhoco.
Dhanka kale waxaa ay cambaarey dusha kaga tuureen xildhibaan Adan Cabdi Faarax oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka maamulka hirshabeele, Xildhibaanka ayaa dhaawaan warbaahinta ku weeraray gudomiyaha degmada isagoo ku eedeeyey in gudoomiyaha ka shaqeynayo colaada ka taagan deegaanka.
Halkan hoose ka dhegeyso qaar ka mid ah qurba joogta degmada walaweyn oo arintaasi ka hadlaya.