Madaxweynaha Waqtigiisa Sii Dhamaanaayo oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Wasiir Niikiyow

0
50

Madaxweynaha waqtigiisa gabagabada joogo ee maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiiru dowlihii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koofur Galbeed Abba Aawoow Suufi.

Xil ka qaadistan ayaa timid kaddib markii la arkayay Wasiiru dowlaha oo baraha bulshada ku kulanto ku hadlaya wax anshax xumo ah isla markaana aan ku habooneyn in nin masuul ah uu baulshada horteeda la yimaado.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed ayaa xilka looga qaaday wasiiru dowlaha, iyadoo sababaha xilka looga qaaday lagu sheegay anshax xumo iyo aflagaado ka baxsan hab maamuuska iyo sharafka Golaha Wasiirada Koofur Galbeed.

Dhawaan ayaa la filayaa in Maamulka Koonfur Galbeed ay galaan doorasho dhinaca maamulka sare ah ayadoo ay jiraan faragelin baahsan oo ay xukuumada ku heyso, Taasoo keeni karta in dooorashada ay dhici weydo xiligii loogu tala galay.