Xilli xukuumada ay ka abuurtay magalada baydhabo xaalad degenaansho la,aan iyo faragelin baahsan oo ay ku sameysay doorashada ka dhici doonta magalada baydhaba ayaa hadana wasiirka wasarada arimaha gudaha waxaa uu soo jeediyey in doorasha ka dhici doonto magalada baydba aan dib loo dhigin isla markana la qabto waqtigii loogu tala galay.
Qoraalka kasoo baxay wasaarada arimaga gudaha ayaa u qornaa sidan.
Wasaaradda A/Gudaha “Doorashada dowlad goboleedka K/Galbeed waa inay ku qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka”
Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.
Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.
Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed.