War Deg Deg ah Xukuumada oo ku Naalooneysa Iney Mukhtaar Roobow Doorashada Ka Joojiso

0
55

Wefdi uu hogaaminaayo wasiirka arimaha gudaha dowlada federaalka somaliya oo maanta ka qeyb galey is casilaadii Shariif Xasan ayaa dhanka la sheegayaa in uu rabo in uu la kulmo Sheekh Mukhtaar Roobow kulankaas oo muhimadiisu tahay sidii ugu sheegi lahaa in Mukhtaar uusan u Tartamo karin xilka madaxtiunimoe ee konfur galbeed.

Dowlada federaalka ayaa in mudo ahba waxaa ay ka shaqeyneysay sidii ay Mukhtaar Roobow uga reebi laheyd tartanka musharaxnimo dhowr jeer oo hore waxaa ay usoo direen masuuliyiin kala duwan si ay ugu dhaadhiciyaan in mukhtaar uusan xiligan is sharixi karin.

Wararka ayaa waxaa kaloo ay sheegayaan in Reysulwasaare Kheyre ay ka go,an tahay in uusan is sharixi karin Mukhtaar Roobow sila markaana uu u mari doono wado kata oo uu roobow kaga joojin karo musharxnimada.

Si kastaba arintu ha ahaatee shacabka koonfur galbeed ayaa ah shacab inta badan siyaasada aan u dhaga nugleyn waxaana inta badan siyaasada shacabkaas waxaa afduub ku heysta kooxo dantooda danta guud ka hor mariyey, Taas ayaana keeneysa in mar walba shacabka koonfur galbeed in awood lagu maquuniyo.