Baaq Ku Socda Dowlada Dhexe iyo Odayaasha Dhaqan K Galbeed

0
67

Kulan ay isugu yimaadeen jaaliyada koonfur galbeed ee qaarada north america oo la qabtey habeenkii xaley ayaa waxaa kasoo qeyb galey dhamaan qeybaha kala gedisan ee bulshada.

Kulankaasi ayaa waxaa diirada lagu saaray in lagu lafa guro xiisada dorashada ee ka taagan magalada baydhabo iyo weliba faragelinta qaawan ee ay xukuumada ku heyso doorah=sha la filaayo iney halkaasi ka 17 bisha novermbar.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa halkaasi baaq loogu direy xukuumada federaalka somaliya waxaana loogu baaqay iney faraha kala baxdo doorasha koonfur galbeed si halkaasi uga dhacdo doorasho xor ah oo ay musharixinta u siman yihiin.

Dhanka kale waxaa ay baaq dheer u direen odayaasha dhaqanka koonfur galbeed wexeyna ugu baaqeen in odayaasha dhaqanka ay la xisaabtamaan xildhibanada maamulka konfur galbeed ee aad gacantiina kusoo xusheen ee damacsan in danta guud ay ka hormariyaan dantooda gaarka ah isla markana aad runta u sheegtaan, koonfur galbeed beec ma aha ruuxii doonaya inuu beeciyana waxaa haboon in uusan matelin bulshadaas.

Si kastaba arintu ha ahaatee xildhibaanadan dooranaya madaxweynaha koonfur galbeed ayaa ah kuwa ayagaba u harsan tahay mudo hal sano ah, Sanad kadibna u bahan doona odayaasha dhaqanka si ay dib ugu soo laabtaan kuraastooda, Balse suaasha u baahan in la is weydiyaa wexey tahay duul dhamaantood dawarsi dan mooday ma u istaagi doonaan danta guud ee shacabka koonfur galbeed.