Afhayeenka u hadley Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin weerarkii shalay galab ee qaraxyada is xig xigay loo adeegsaday ee ka dhacay caasimada Soomaaliya.
Afayeenkaani oo magaciisa lagu sheegay Farhan Haq ayaa sheegay in Xoghaayaha guud ee Qaramada Midoowe ka tacsiyeeyay dadkii soomaaliyeed ee ku dhintay iyo kuwii ku waxyeeloobay weerarkaasi waxa uuna sheegay in Qaramada Midoowe ay dowladda dhexe ee soomaaliya kala shaqeyn doonto la dagaalanka waxa uu ku tilmaamay kooxda argagixisada ah ee shabaab sida uu sheegay.
Isla maalinimadii shalay ee qaraxu ka dhacay caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoowe Soomaaliya u qaabilsan Raisedon Zenenga, isagoo sheegay in ay garab taaganyihiin Dowladda Soomaaliya.
Waxa uuna sheegay in ay sii derdargelin doonaan taageerada dowladda dhexe si buu yiri looga hortago ama loo yareeyo weerarada shabaab ay ka geystaan Guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo ay qaraxyo xoogaan ka geystaan.