Wasiirka Wasaarada Maaliyada oo Maanta Hor tagey Xildhibanada Golaha Shacabka

0
48

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Fedceraalka Saoomaaliya Cabdiraxmaan Duucaalle Beyle oo maanta hor tegey Golaha shacabka ayaa halkaasi ka sheegay in Wadamadii Soomaaliya taageeri jiray ay hakiyeen taageeradooda dhanka Ciidamada.

Wasiirka ayaa sheegay in uusan dooneyn in uu ka dhawaajiyo magacyada wadamadaasi joojiyay taageerada maaliyadeed oo ay siin jireen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Beyle waxaa kaloo uu sheegay in Soomaaliya loo baahan yahay in iyadu ay isku tashato waxa uuna Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday in ay ansixiyaan lacag 17 milyan ah oo ay wasaarada Maaliyada u qorsheysay in ay ku bixiso Ciidamada Qaranka maadama wadamadii taageeri jiray ay dhaqaalahooda jarteen.

Hadalkaas uu wasiirka Xildhibaanada ka hor sheegay ayaa durbadiiba isla kullanka Golaha dhexdiisa waxaa jawaab ka bixiyay qaar kamid ah xildhibaanada waxa ayna sheegeen in ay suuragal ltahay in si toos ah daqligaaasi uusan u gaari doonin Ciidamada Qalabka sida ee Soomaalaiya.