Dhowr Wasaaradood oo Maanta Korantadii Laga Goostay Kadib Kolkey iska Bixin Waayeen Lacagihii Lagu Lahaa

0
64

In ka badan 6 wasaarad oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmo koronto la’aan ah, waxaa laga goostay korontadii kadib markii ay muddo 4 bil ah iska bixin waayeen lacagtii.

Wasaaradaha koronto la’aanta ah waxaa ka mid ah: Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo wasaarado kale oo muhiim ah.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradahaasi, waxaa jirtay inta aan korontada la goosan ay shirkadda korontada digniin siisay xarumahaas wasaaradaha si ay u bixiyaan, laakin ay guul-dareysteen , kadibna laga goostay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dhibka aanu koronto keliya aheyn, oo wasaaradaha loogu hanjabay inay biyaha laga goosan-doono.