Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka konfur galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa maanta Magaalada Baydhabo kula kulmay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo maanta tagay Baydhabo.
Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaayay Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Rai Zenenga.
Gudoomiyaha iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay dardargalinta howlaha doorashadda maamulka Koonfur Galbeed oo dhawaan la filaayo iney ka dhacdo magalada baydhaba walow ay carqalado badan hortaagan yihiin.
Inta badan musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee maamulka koonfur galbeed ayaa dhawaan soo jeediyey In doorashadaas dib loo dhigo maadaama watiga intiisa badan ku dhamaaday isjiidjid u dhexeeyey madaxweynihii maamulkaas iska casiley iyo xukumada federaalka.