Musharixiinta Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta Kula La Qaatay Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay

0
201

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay kuxigeenka Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya ayaa maanta waxa ay Magalada Baydhabo kula kulmeen musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Mr. Zenenga ayaa balan qaaday in ay Qaramada Midoobay ay taageere ka geysaneyso geeddi socodka doorashooyinka, isla markaana ay garab siin doonto Masuulka loo doorto Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Kulankaasi ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo, waana markii ugu horesay oo ay kooxda isbedel doonka iyo kuwa taageersan dowlada ayagoo wada dhan ay si guud ula shiraan madax ka socota qaramada midoobay.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa weli muran ka taagan waqtiga la qaban doono doorashada ayadoo waqtigii loogu tala galay iney qabsoonto doorashada ay ka harsan tahay 4 maalmood welina waxaan lasoo dhameystirin gudigii doorashooyinka inta badan musharixiintana ma jirto wax lacag ah oo laga qabtay.