Booliiska magaalada Baydhabo ayaa kala eryay dad shacab ah oo dibadbax ka dhigayay magaalada kuwaa oo taageero u muujinayay mid ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed,
Wararka ayaa sheegaya in banaan baxyadan ay yihiin kuwo shacabka ay iskood isu abaabuleen kaasoo ka dhacay inta badan deegaanada Koofur Galbeed, kaasoo ujeedkiisa yahay sidii Xildhibaanada Koofur Galbeed ay u dooran lahaayeen ruxii badbaadin kara deegaanada koonfur galbeed.
Taliska Booliska Gobolka Baay ayaa soo saaray awaamiir ka dhan ah dadka dibad baxyada ku dhigaya magaalada, waxaana ay uga digeen shacabka inay qabtaan banaan bax aanay fasax u heysan.
Si kasataba arintu ha ahaatee awaamirta kasoo baxday taliska ciidanka boliiska ayaa dadka intooda badan waxaa ay ku fasiranayaan in taliyaha ciidanka boliiiska gobolka uu ku caburanayo rabitaanka dadweynaha isagoo u sameynaya taageero mid ka mid ah musharixiinta oo ay ilmo adeer yihiin.