Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo Digniin u Diray Ciidanka Isbaarooleyda

0
211

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi ayaa digniin kasoo saaray Shaqsiyaad ku labisan dharka Ciidanka, kuwaasoo marar qaarkood Isbaaro dhigta qeybo ka mid ah Gobolada dalka iyo duleedka Magaalada Muqdisho.

Indhoqarshe waxaa uu sheegay in qeybta Saad ay kula xisaabtami doonaan hadii la arko dharka Ciidanka qof xiran islamarkaana aan ka tirsaneyn Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dadka ku nool deegaanada ay isbaarooyinka yaalaan ayaa waxaa ay sheegayaan in Digniinta taliyaha ay tahay ah mid wax kama jiraan ah sababtoo ah dhowr jeer oo hore ayaa digniino noocan oo kale intey xukuumada bixisay ayaa waxa laga qaban waayey.

Indha-qarshe