Xog: Taliyaha Ciidanka Boliska Gobolka Baay oo Damacsan Inuu Halkaasi Rabshado Ka Bilaabo Si Ciidanka Amisom Usoo Fara Geliyaan Amniga Degmada

0
115

Xog aynu koldhaweyd ka helney Magalada Baydhabo ayaa sheegaysa in Taliyaha ciidanka boliska gobolka bay Mahad C/raxmaan Aadan uu carqa;ad weyn ku hayo geedi u socodka doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo magalada baydhaba isla markaana abaabulayo in ay halkaasi ay ka dhacaan rabshado si ciidamada Amisom faragelin ugu soo sameyso.

Taliyaha ayaa la sheegay in maanta uu is hor istaag ku sameeyey kulan uu musharax Mukhtaar Roobow damacsanaa in uu ku qabto Baar bakiin halkaasi oo uu kula balansaa inuu kula hadlo taageerayaashisa sidaas si la mid ah waxaa kaloo jirey kulan kale oo uu rabey inuu Mukhtaar roobow gelinkii dambe ee maanta rabey inuu qabto oo sidaasi si la mid ah qabsoomi waayey.

Falkan uu ku kacayo talliyaha ciidanka booliska ayaa dadka intiisa badan waxaa ay ku fasireen mid dhalin kara xiisad dagaal oo aan wax faaiido ah ugu jirin shacabka koonfur galbeed waqtigan xaadirka ah, Mahad ayaa waxaa ay ilmo adeer yihiin mid ka ah musharixiinta ku taagan xilka madaxweynenimo taas ayaana keeneysa inuu faragelin intaa la eg ku sameeyo doorashada.

Waxaa caqabo xuma ah in shaqsigii looga baahnaa in uu sugo amniga shacabka gobolka baay isla markaana dhex dhexaad u noqdo dhamaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee maamlmulka koonfur galbeed in uu maanta xirto shaarkii ina adeernimo meelna iskaga tuuro midkii masuulnimo.

Si kastaba arintu ha ahaatee isjiijiidka siyaasada koonfur galbeed iyo faragelinta xukuumada ay mar walba ku heyso maamulka koonfur galbeed ayaa mar walba waxaa ay carqalad ku noqotaa in ay shacabkani iyo masuuliyiintooda ka xoroobaan caqliga isla markaana noqdaan dad danahooda ka hadli kara.