Waxaa goordhow Maanta si rasmia ah loo magacaabay xubnaha Guddiga cusub ee Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gudigaasi oo ka kooban 15 xubnood.
Kulanka lagu ansixinayay Guddiga cusub ayaa waxaa ku sugnaa 138 xildhibaan waxaana ansixiyey gudigaas 134 Xildhibaan halka ay diideen iney ansixiyaan 2 xildhibaan waxaana ka aamusay 2 xildhibaan,Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in Guddiga ay sidaasi ansax ku yihiin.
28 Bishaan ayaa la qorsheynayaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo aysan weli cadeyn qaabka ay u dhici doonto.